Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka DFS oo shaaciyey xiliga Baarlamaanka la horkeenayo Ra’’iisul wasaaraha cusub

December 16, 2013 - Written by Editor

jawaariMuqdisho:-Kulankan oo ahaa fadhiga 24aad ee Guddiga Joogtada ah ayaa ka dhacay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka waxaana shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo kulankana ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Qodobbada looga hadlay Shirka Guddiga Joogtada ah oo socday mudo Lix saacadood ah ayaa waxa ay kala ahaayeen:- Ansixinta qorshe howleedka uu Baarlamaanka ku shaqeynayo sanadka 2014, qorsheynta howlaha muddada ka harsan Kalfadhiga 3aad sida muddeynta anisixinta Xukuumadda cusub,anxisinta miisiiniyadda 2014,dhameystirka Hindiseyaasha Sharci ee Golaha yaala iyo qodobbo kale.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii uusoo gebageboobay kulanka gudigga Joogtada ah ee Baarlamaanka la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Gudigga Joogtada ah isku raaceen in maalinnimada Arbacada ah ee Todobaadkan oo ay taariikhdu ku beegantahay 18ka-December laga codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda in Ra’isulwasaaraha uu Baarlamaanka horkeeno ayadoo Baarlamaankana uu Madaxweynaha uga mahad celiyey sida uu ugasoo jawaabay codsigii Baarlamaanka ee ku aadanaa dedejinta magacaabista Ra’isulwasaaraha,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka u mahad celiyey Shacabka.

Waxaan Madaxweynaha ka codsanay inuu Ra’isulwasaaraha horkeeno Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah waxaanna Madaxweynaha uga mahad celineynaa in mudadii uu ka codsaday Golaha Shacabka magacaabista Ra’isulwasaaraha ka hor u keenay waxaanna uga codsanay shacabka markii ay dhacdo Xukuumad kalsooni kala noqosho wel wel ayaa gala Madaxweynaha sida uu codsigeenna u aqbalay waan uga mahad celineynaa, shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celineynaa kalsoonida ay noo muujiyeen waanna u ballan qaadaynaa inaanan waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray Xildhibaannada Golaha Shacabka meelkasta oo ay joogaan isaga oo ka dalbaday iney wada yimaadaan magaalada Muqdisho maadaama laga doonayo iney gutaan waajibaad dastuuri ah oo ay ugu horeyso Ansixinta Ra’isulwasaaraha waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanku tilmaamay ka maqnaanshaha fadhiyada noocaan ah ee Baarlamaanka ay tahay Xilkasnimo Darro.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in guddiga Joogtada kulankooda maanta ay uga hadleen sida uu Baarlamaanka u dhameystiri lahaa hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka taasina uu guddiga isku raacay in sida hor u tabinta u kala leeyihiin Baarlamaanku uu fulinayo dhameysirkooda.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online